Siyaasiga Dr. Maxamuud Maxamed Culusow oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaliyeed horeynta xilal kala duwan ugu soo qabtay dowladihii dalka soo maray ayaa Magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay in uu yahay Musharax Madaxweyne.
Munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayna ka qeyb galeen siyaasiyiinta, aqoonyahano, qeybaha kala duwan ee bulshada ayuu Dr. Culusow ku sheegay in hadii xilkan uu ku guuleysto uu qaban doono tiirar dhowr ah oo dowladnimada asal u ah.
Sidoo kale Siyaasiga Dr. Maxamuud Maxamed Culusow ayaa ku baaqay in si deg deg ah lagu joojiyo colaada Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug islamarkaana ay wada-hadlaan Maamulada Puntland iyo Galmudug.
Taariikh Nololeed
Musharaxa xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya doorashada 2016
Magaca: Dr. Maxamud Maxamed Culusow
Dhashay 1948
Ku dhashay: Magaalada Beledweyn, ku koray Magaalada Muqdishu.
Waxbarasho: Dugsiga Hoose, Dugsiga Dhexe ee Ganacsiga, Dugsiga Sare ee Machadka Xisaabaadka Talyaaniga 1971 (darajada koowaad), Kulliyadda Dhaqaalaha iyo Ganacsiga ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed 1975 (Darajada kowaad iyo sharaf), Machadka Cilmiga Bulshada ee Hague, Holland, 1984 iyo Machadka Hay’adda Sanduuqa Lacagta Addunka, 1986 iyo Shahaadoyin kale.
Waayo-aragnimo hoggaamin iyo Maamul: Wuxuu ku biiray shaqada Dowladda Soomaaliya 1971, wuxuuna soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid ahaayeen:
Wasiirka Wasaaradda Beeraha
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda
Guddoomiyaha Bankiga Dhexe
Ku Xigeenka Duqa Dowladda Hoose ee Magaalada Muqdishu
Ku Xigeenka Guddoomiyaha Gobollada Waqooyi Galbeed iyo Togdheer
Xiriiriyaha Daraasadda tayeynta shaqalaha Qaranka iyo Dowladaha Hoose,
Xiriiriyaha Barnaamijkii Dib u habeynta dhaqaalaha ee Hay’adda Lacagta iyo Bankiga Adduunka,
Agaasimaha Qorsheynta iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose,
Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Wakaaladda Biyaha Xamar/Wakaaladda Horumarinta Biyaha,
Ugu dambeyn madaxweynaha ayaa ka soo qeyb galayaashi Munaasabada ka Dalbaday iney kala shaqeeyaan inuu Doorashadan uu ku guuleysto, isagoo Codsaday in loogu Duceeyo in hadii la doorto uu Alle Xilkiisa uu u fududeeyo.




