Qarax Gaari Loo Adeegsaday oo Caawa ka Dhacay Taalada Daljirka Dahsoon Degmada Boondheere

0

Wararka haatan naga soo gaaraya degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa  In abaarihii 06:55 uu ku qarxay agagaarka  taalada Daljirka Dahsoon Degmadaas.

Qaraxa ayaa la sheegay in gaari uu ku xirnaa islamarkaana uu ku qarxay agagaarka taalada Daljirka Dahsoon  gudaha Degmada boondheere ee Gobolka Banaadir.

Warar kaloo soo baxaya ayaa ku waramaya in qaraxa uu ka dhacay ilinka  hore ee idaacadda Dalsan oo ku taala  meel ku dhow taalada Daljirka Dahsoon Degmada Boondheere  ee Gobolka Banaadir.

Ugu yaraan afar ruux oo uu ku jiray wadihii gaariga ayaa ku dhintay qaraxan halka saddex kale ay ku dhaawacmeen, shacab wadada marayey ayaana ka mid ahaa dadka dhimashada iyo dhaawacyafu ay soo gaareen.

Waxaa goobta gaaray gaadiidka dab demiska, kuwa ambalaaska iyo ciidamada amaanka dowlada oo halkaas xiray, iyagoo baaritaano kala duwan, waxaana xusi mudan in goobta gaarigan uu ku qarxay ay masaafo aad gaaban u jirto xabsiga loo yaqaano godka Jilacow oo ay leeyihiin ciidamada nabad sugida Somalia.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here