Kooxo Hubeysan ayaa Habeenkii xalay ahaa degmada yaaqshid ee gobolka banaadir waxa ay ku dileen mid kamid ah mas’uuliyiinta Maxkamada sare ee dalka
Qof kamid ah qoyska Mas’uulka la dilay ayaa idaacada simba u sheegtay in Habeenkii xalay ahaa Gudaha degmadaas lagu dilay Mas’uulkaan ka shaqeynaayay Maxkamada sare ee dalka xili uu sii Galaayay Hoygiisa isagoona kasoo baxay Masaajid ka ak dhawaa Hoygiisa.
Mas’uulka la dilay ayaa magaciisa Lagu sheegay sheikh xuseen wuxuu kamid ah Mas’uuliyiinta Maxkmada Sare ee dalka
Maamulka degmada Yaaqshid ee Gobolka Banaadir ayaan wali ka Hadlin dilka xalay ka dhacay Gudaha degmada Yaaqshid ee Gobolka Banaadir

