Bulshada ku Nool Gobolka Kansas ee Dalka Maraykanka oo Dhigay Banaanbax

0

Tobanaan qof oo kamid ah bulshada ku dhaqan Gobolka Kansas ee dalka Maraykanka oo maanta  halkaas ka dhigay isku soo baxay kadib markii dhowaan halkaas   lagu qabtay rag qorshaynayay in ay weeraro ku qaadan bushada somalida ah ee ku gobolkaas.

Dadkaan isku soo baxa sameeyay ayaa waxa ay isugu jireen muslimiinta gobolkaas ku nool, iyo dadka gobolkaas ku nool ee aan muslimiinta ahayn iyo weliba bulshada somaliyeed ee weerarkaas ka badbaaday.

Qaar ka mid ah bulshada somalida ah oo isku soo baxa ka qayb qaadanayay islamarkaana goobtaas ka hadlay ayaa sheegay in aysan dhib doonaynin oo ay doonayaan in ay nabad ku noolaadaan ,waxaana ay u mahad celiyeen bulshada kala duwan ee ku dhaqan gobolkaas oo isugu soobaxay si ay u garab istaagaan

Bushada kasoo qayb gashay isku soo baxa ayaa oo watay boorar ay ku qoranyihiin halku dhigyo ka dhan ah weerarkii fashilmay ee la doonayay in lagu qarxiyo bulshada somaliyeed ee ku sugan gobolka Kansas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here