
Magaalada Cadaado ee Caasimada Kmg-ka ah ee Maamulka Galmudug waxaa maanta Gaaray Cutubyo ka Tirsan Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM kuwaasi oo qeyb ah ciidamo AMISOM ah oo la geyn doono Magaaladaas.
Ciidamadaan ka socda Midowga Afrika ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Magaalada Cadaado kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug iyo Saraakiil ka Tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed.
Ciidamadaan ayaa si toos ah ugu qeyb qaadan doona sugida amniga goobaha doorashooyinka deegaanada dowlad Goboleedka Galmudug.
Madaxda Maamulka Galmudug ayaa dhawaan ka dalbaday dowladda Dhexe ee Soomaliya in Magaalada Cadaado la geeyo ciidamo AMISOM ah si ay ugu hortagaan dad isku dayaya in ay carqaladeeyaan doorashooyinka Galmudug.
