Mareykanka oo Lacago Dul Dhigay Hogaamiyaal ka Tirsal al-shabaab

0

Dowlada wadanka Marekanka ayaa lacago  badan dul dhigtay Hogaamiyaal sar sare oo ka Tirsal Xarakada al-shabaab

Hogaamiyaasha lacagaha la dul dhigay ee al-shabaab ka Tirsan waxaa kamid ah Abu Ubaidah oo la yaqaano (Direye), Mahad Karate, Ma’alim Daud,  Hassan Afgooye, Maalim Salman iyo  Ahmed Iman Ali.

Dowlada Marekanka ayaa Hogaamiyaha Al-shabaab  Abu Ubaidah oo la yaqaano (Direye), dul dhigtay lacago gaaraya $6 million Halka Hogaamiyaasha kala ah Mahad Karate, Ma’alim Daud,  Hassan Afgooye la dul dhigay lacago gaaraya $5

Raga Sar sare ee al-shabaab ka Tirsan ee lacagaha la dul dhigay waxaa kamid ah Maalim Salman iyo  Ahmed Iman Ali kuwasoo dowlada Mareykan ay dul dhigtay lacago gaarayo $3Million.

Tan iyo sanadkii 2006 al-shabaab ayaa dilay kumanaan qof oo  iskugu jiray shacab, ciidamo ka socda amisom sida Uganda Kenya Brundi.

July 11, 2010, al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada weerar lagu qaaday Magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda Halkaas ay ku dhinteen dad gaarayay 70-qof waxaa ku jiray dad u dhashtay wadanka Mareykanka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here