Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed xaashi Carabey ayaa soo saaaray wareegto Lagu magacaabayo maamul cusub degmada Balanbal ee gobolka Galgaduud,
Wareegtada kasoo baxday xafiiska Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug waxaa saxaafada u aqriyay Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Galmudug Jaamac Xasan Salaad Sheelare
Maamulka La magacaabay
Jaamac Xayle Maxamed waxaa loo magacaabay guddoomiyaha degmada Balanbal,
Cabdirisaaq Cabdi Xalane, Guddoomiye ku-xigeenka 1aad,
Cabdi Xaaji Xasan Guddoomiye ku-xigeenka labaad,
Cabdullaahi Xasan Barre Xoghayaha dowladda Hoose,
Cabdi Faarax Warsame Madaxa Waaxda Amniga iyo siyaasadda,
Saalax Cabdulle Aadan madaxa Waaxda Arrimaha bulshada,
Dhakal Qurac Cali madaxa Waaxda maamulka iyo Maaliyadda,
Cabdi Muuse Cali Taliyaha booliska ee degmada,
Cawil Cabdi Yuusuf Taliyaha Nabad sugidda degmada,
Cabdifataax Daahir Buldhe kaaliyaha Waaxda Amniga iyo siyaasadda,
Feysal Siyaad Caanood kaaliyaha Waaxda Arrimaha bulshada,
Shirwad Cali Kulane kaaliyaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda,
Cabdi Caanood Guuleed kaaliyaha Waaxda Garsoorka,
Sheekh Faarax Cilmi Faarax Qaaliga Degmada,
Gambeys Xasan Gurato Madaxa Waaxda Bi’ada iyo dhirta
Guddoomiyaha degmada Balanbal ee Gobolka Galgaduud Jaamac Xayle Maxamed oo dhankiisa warbaahinta la Hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu Faraxsan yahay xilka loo magacaabay isagoona sheegay in uu wax badan ka qaban doono xaaladaha degmada Balanbal ee gobolka Galgaduud,

