Waxaa saakay xaalad degenaasho laga dareemayaa magaalad agaalkacyo ee gobolka mudug xili shaley halka ay ka dhaceen dagaalo xoogan oo sababay qasaare isugu jiray dhamsho iyo dhaawac.
Wakiil wareedka idaacada simba ee gobolka mudug fardowso maxamuud sahal ayaa ku soo warameyso saakay in xaalada ay degen tahay inkastoo weli ay is horfadhiyaan ciidamada maamulada galmudug iyo puntland kuwaa oo shaley magaalada si weyn ugu dagaalamay.
Waxaa magaalada qeybo kamid ah ka socdo waan waan ay wadaan odayaal dhaqameed ka soo kala jeedo maamulada galmudug iyo puntland.

