Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa war qoraal ah ka soo saaray doorashadii shaley ka dhacday magaalada Kismaayo ee lagu doortay xubnaha aqlka sare ku matali lahaa dowlad gobaleedka Jubaland xukuumadda soo socota.
Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay qaabka doorashada ay dhacday mid ku dayasho mudan isagoo sheegay inay doorashada ay ahayd mid xalaal ah oo si xor ah u dhacday.
Axmed madoobe ayaa umablyeeyay dhammaan xubnihii la doortay isagooo si gaar ah ugu hambalyeeyay xubinta dumarka ah ee ku jirta aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa sidoo kale u mahad celiyay ciidamada ammaanka Jubaland qaybtii ay ka qaateen in doorashadu udhacdo jawi nabadeed.


