Wasiiro Ka kala Tirsan Maamulada Puntland iyo Galmudug oo Wada Hadal ku Yeelanaya Magaalada Gaalkacyo

0

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guulleed ayaa sheegay in Wasiiro ka kala Tirsan Maamulada Puntland iyo Galmudug in wada hadal ay ku yeelan doonaan magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Wada-hadalka ayuu ku sheegay Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guulleed in loogu gol leeyahay sidii loo dhameyn lahaa colaada Ka jirta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Mudug oo maalmihii dambe ay kuwada dagaalameen Ciidamo kala taabacsan maamulada Puntland iyo Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug  C/kariin Guulleed ayaa sheegay inay ku heshiiyeen Puntland inay soo diraan Wasiiro ka tirsan maamulkooda, halka Galmudugna ay dirtay, waxa ay hada ku wada sugan yihiin Wasiiradaasi Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

“Arinta ku saabsan dagaalada ka taagan Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, waxaan ku heshiinay Ergo Wasiiro ah oo dhankooda ka socda uu soo diro anagana dhankeeda Ergo Wasiiro ah aan dirno, labadii Ergo waxa ay joogaan Magaalada Gaalkacyo, xiriirkii ugu horeeyay ayeey sameeyeen, waxaan rajeynayaan maantana howsha inay ka soo fiicnaato oo xabad joojin la sameeyo.” Ayuu yiri Guuleed oo ka hadlaayay Magaalada Gaalkacyo.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in xalay hawada Magaaladaas lagu arkay  Diyaarado dagaal oo loo malaynayo in laga leeyahay dalka Mareykanka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here