Al-shabaab oo la Wareegay Deegaan Hoos Yimaada Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.

0

Wararka ka imaanaya Gobolka gedo ayaa Tilmaamaya In ciidamo ka Tirsan kuwa al-shabaab in ay u suurta gashay la wareegida deegaan hoos Yimaada Magaalada Baardheere ee Xarunta  Gobolka Gedo.

Deegaanka Cows-qurun oo qiyaastii 70km ujira magaalada Baardheere ee xarunta Gobolka Gedo ayaa la sheegayaa in ciidamo ka Tirsan kuwa al-shabaab In ay haatan ku sugan yihiin kadib dagaal xoogan oo saacadihii aynu soo dhaafnay ka dhacay qeybo kamid ah Gobolka Gedo,

Shabaab ayaa Barahooda bulshada ku sheegay in ay u suurta gashay la wareegida Deegaan Cows-qurun oo kamid ah meelaha hoos Yimaada Magaalada Baardheere ee xarunta Gobolka Gedo.

Wali wax war ah kama soo bixin dhanka Saraakiisha ciidamada dowlada soomaliya ee Gobolka Gedo ay kaga Hadlayaan sheegashada al-shabaab ee Deegaan Cows-qurun.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here