Howlka shirarka Farjano ee Magaalada Jowhar ee Caasimada Maamulka Hir-shabeelle waxaa maanta duhurnimadii ka bilowday codeynta Madaxtinimada Dowlad Goboleedka Hir-shabeelle oo ay ku tartamayeen Musharixiin dhowr.
Doorashada Madaxtinimada Maamulka Hir-shabeelle waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Soomaliya Sida ,Wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa, saraakiil ka socota Urur Goboleedka IGAD, Gudoonka Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle.
Dhanka kale wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ay wehliyaan Xubnaha aqalka sare ee dhawaan lagu doortay magaalada Cadaado ayaa ka qeyb galay Doorashada.
Masuuliyiintaan waxaa garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar kusoo dhaweeyay Masuuliyiin katirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya , Maamulka Shabeelaha Dhaxe iyo saraakiil ciidan.
Doorashada Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle waxaa u tartamayay Sadex Musharax oo kala ah Maxamed Cabdi Waare ,Cali Cabdulaahi Cosoble iyo Cali Maxamed Carraale , kuwaa oo bilaabay in ay hada jeediyaan Khudbadaha waxqabadkooda hadii loo doorto Hogaanka Dowlad Goboleedka Hirshabelle.
Inta aysan codeynta bilaaban waxaa ku dhawaaqay in uu iska casilay Musharaxnimadiisa Musharaxa Mudane Cali Maxamed Caraale oo ka mid ahaa musharixiinta ugu cad-cadaa ku guuleysiga doorashada Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle.
Cali C/laahi Cosoble, ayaa waxay Xildhibaanada Baarlamaanka ee Maamulka Hirshabelle u doorteen inuu noqdo Madaxweynaha 1-aad ee Maamulkaasi kadib markii uu la tartamyay Musharixiin dhowr ah oo loolan uu ka dhaxeeyay.
Mudane Cali C/laahi Cosoble, Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Hir-shabeelle ayaa waxaa la tartamaayay Maxamed Cabdi Waare, iyadoo Madaxweynuhu uu helay 61 cod, halka Maxamed Cabdi Waare uu isna helay 36 cod, waxaana xumaaday hal cod oo qura.
Dhanka kale Cali C/laahi Xuseen (Cali Guudlaawe), Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxay Xildhibaanada Baarlamaanka ee Maamulka Hirshabelle u doorteen inuu noqdo Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulkaasi, Guudlaawe ayaa waxaa xilkan kula tartamaayay Cali Xasan Taakow, iyadoo Cali C/laahi Xuseen uu helay 86 cod, halka Taakow uu isna helay 10 cod.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle, Shiikh Cismaan Barre Maxamed, ayaa waxaa uu ku dhawaaqay in Cali Guudlaawe Cali C/laahi Xuseen (Cali Guudlaawe), Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Shabeelaha Dhexe uu yahay Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulkaasi.












