Warar lagu baahiyay baraha Xarakada Al-shabaab ayaa lagu sheegay in Ciidamada Al-shabaab ay dagaal kula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Muuri kadib dagaal ka dhacay wadada laamiga ah ee xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Shalaanbood.
Boqolaal ka Tirsan dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ayaa la sheegay in xalay ay ku hoydeen deegaanka Muuri oo mudooyinkii ugu dambeeyay ay ku sugnaayeen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya, Ciidamadii halkaas ku sugnaa ayaa la sheegay in ay u jiheysteen saldhigga Ciidamada AMISOM ee deegaanka No.50 kadib markii looga itaal roonaaday dagaalka ka dhacay deegaanka waa sida lagu baahiyay baraha Al-shabaab.
Xiriiro aynu la sameenay Maamulka Deegaanka Muuri inooma suurta galin in aan qadka Taleefanka ku helno,dhowr jeer oo hore Ciidamada Xarakada Al-shabaab ayaa la wareegay gacan ku heynta deegaankaas inkastoo ay isaga baxaan saacado kadib.

