Dawlada Maraykanka oo La Sheegay in ay Xoojisay Dagaalka Qarsoodiga ah ee ay Ka Wado Somalia

0

Sida ay sheegayso warbixin lagu qoray wargeyska Newyork times ee kasoo baxa dalka maraykanka, Maamulka madaxweyne Obama ayaa la sheegay in uu xoojiyay dagaalka qarsoodiga ah oo uu kawado Somalia illaa iyo dhawrkii sano ee lasoo dhaafay,

Hawlgalkaan ayaa la tilmaamay in ay ku lug leeyihiin ciidmada gaarka ah ee maraykanka diyaarado dagaal iyo ciidamoo gaar ah oo heshiis ay lagashay dawlada maraykanka iyo sidoo kale ciidamo dawladaha  Afrikan ah, dagaalkaas ayuuna sheegay maraykanku in uu kaga soo horjeedo kooxo uu sheega in ay xiriir la leeyihiin Al qaacido oo ku sugan geeska Afrika.

Boqolaal askari oo amaarikaan ah ayaa la tilmaamay inay ku suganyihiin saldhigyo ku meel gaar ah oo ay ku leeyihiin Somalia, waxaana ay noqonaayaan ciidamadii ugu badnaa ee maraykanka ka yimaada Somalia tan iyo sanadkii 1993-dii xiligaas oo maraykanku ciidamo ka joogay uu kala baxay Somalia.

Sida ay sheegeen saraakiil isugu jira Afrikan iyo maraykan ah iyo kooxda la socodka Somalia hawgalka wada jirka ah ee uu maraykanku hormuudka ka yahay ayaa waxaa uu uga goleeyahay inaysan soo laaban waxa uu maraykanku ku sheegay masiibadii 1993-dii markaas oo Somalia 18 askari looga dilay

Saraakiil maraykanka ah ayaa sheegay in Aqalka  cad uu siiyay awood dheerad ah madaxweyne Obama si uu ciidamo ugu diro Somalia  iyo in  diyaaradaha dagaalka ee maraykanku ay duqayn kafuliyaan Somalia si ay al shabaab uga difaacaan ciidamada Afrikan-ka ka ah iyo ku americanka ah ee Somalia jooga.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here