Magaalada Cadaado ee Caasimada Kmg-ga ee Maamul Goboleedka Galmudug waxaa maanta lagu wadaa in lagu doorto Xubnaha Aqalka Sare ka imaanaya Deeganada maamulka Galmudug.
Xarunta Baarlamaanka ee Maamulka Galmudug, ayaa iminka waxaa ku sugan Musharaxiinta u taagan u tartamida Xubnaha Aqalka Sare ee dalka, kuwaasi oo labo maalin ka hor jeediyay Khudbadooda, Galmudug waxaa Aqalka Sare ka soo galaya Musharaxiin gaareysa ilaa 8 Musharax, kuwaasi oo ku soo bixi doona tartan ay la galaan xubno kale.
Musharaxiinta u taagan aqalka sare ee Maamulka Galmudug ayaa waxaa ku jira siyaasiyiin iyo hogaamiyayaal caan ah oo ay ka mid yihiin madaxweynihii hore ee maamulka Gamudug Jeneraal Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, iyo Xubno agaasimayaal ka soo noqday xarunta madaxtooyada Somaliya.

