Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle oo Lagu Dhaariyay Magaalada Jowhar+Sawirro

0

Munaasabad kooban oo goordhaweyd lagu soo gaba-gabeeyay Howllka shirarka Magaalada Jowhar  ayaa waxaa lagu dhaariyay Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle Mudane Sheekh Cusmaan Barre Maxamed oo caawa ku guuleestay in uu noqdo Gudoomiyaha Baarlamaanka Cusub Hirshaelle.

Xaflada dhaarinta waxaa ka qeyb galay udoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowlada Soomaaliya .

Ugu horeyntii Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdiraxmaan Odawadaa oo ka hadlay goobta Munaasabada doorashada ka dhacday ayaa ugu horey u hambalyeeyay Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Hirshabelle, waxa uuna ku amaanay waxgaradka iyo Ergadada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe dulqaadka ay u yeesheen dhismaha maamulk Hir-shabeelle oo marxalado kala duwan soo maray.

Sidoo kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka  Soomaaliya Prof Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari oo isna u hambalyeeyay Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Hirshabelle Sheekh Cusmaan Barre Maxamed ,wuxuuna sheegay in uu marqaati ka yahay in si cadaalad ah ay u dhacday Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hir-shabeelle ayaa lagu wadaa in 15-ka bishaan October ay Magaalada jowhar ee ee Caasimada Maamulka Hir-shabeelle  ay ku doortaan Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-shabeelle oo ay u taagan yihiin musharixiin dhowr ah.

 

donk_1 donk_2 donk_3 donk_4 donk_5 donk_6 donk_7 donk_8 donk_9 donk_10 donk_11 donk_12 donk_13 donk_14 doro_1

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here