Wararka ka imaanaya deegaanka Ceel-cali ee Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya n Ciidamada Xarakada Al-shabaab oo shalay deegaankaas la wareegay ay ka xir-xireen halkaas dad shacab ah.
Dadka ay Shabaab xir-xireen ayay ku eedeeyeen in ay xiriir dhow ay la lahaayeen Ciiidamada dowladda Soomaliya iyo kuwa Ethopia oo shalay subixii hore isaga baxay saldhiga deegaanka Ceel-cali ee Gobolka Hiiraan.
Tirade Al-shabaab ay xir-xireen ayaa la sheegay in ay yihiin 50-ruux oo isugu jira odoyaal dhaqameedyo, dhalinyaro, iyo haweenka oo kamid ahaa dadka deegaanka Ceel-cali ee Gobolka Hiiraan inkastoo aan si dhab ah aan loo ogeyn halka ay geeyeen.
Dhanka kale wararka ka imaanaya deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in Ciidamada Ethopia iyo kuwa dowladda Soomaliya ay ka baxeen saldhig ay halkaas ku lahaayeen iyagoo u ruqaansaday xuduudaha ay wadaagaan Gobolka Hiiraan iyo dhulka Somali Galbeed.
Ciidamada Xarakada Al-shabaab ayaa muddo kadib shalay la wareegay gacan ku heynta magaalada istiraatiijiga ah ee Ceel-Cali Saacado kadib markii ay isaga baxeen Ciidamada Malatariga dowlada Itoobiya.

