Shiikh Nuur Baaruud:-Dagaalka ka Socda Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug Waa Nasiib Daro iyo Aaqiro Beel

0

Hay’adda Culimada Soomaliyeed ayaa nasiib daro ku tilmaamay dagaalada mar kale kusoo laabtay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ee  u dhaxeeya Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Shiikh Nuur Baaruud Gurxan oo ah afhayeenka Hay’adda Culimadda Soomaliyeed oo la hadlay idaacadda simba ayaa sheegay in nasiib daro iyo aaqiro beel uu yahay dagaalka ka socda Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug  ee u dhaxeeya Ciidamo kala taabacsan maamulada Puntland iyo Galmudug.

Sidoo kale afhayeenka Hay’adda Culimadda Soomaliyeed Shiikh Nuur Baaruud Gurxan  ayaa ugu baaqay madaxda maamulada Galmudug iyo Puntland in ay xaliyaan colaada Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug  islamarkaana laga baaqsado daadinta dhiiga Shacabka Soomaliyeed ee halkaas.

Maamulada Galmudug iyo Puntland oo ka wada arrimiya Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, ayaa xalay galiyay  ciidan hor leh Magaladaas , isla-markaana ay xoojisay dareenkii ay shacabku qabeen.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here