Wasaaradda Qorshaynta Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa sheegtay in ay waddo qorshe lagu maamulaayo Mashaariicda kala duwan ee Midowga Yurub ay ka fuliyaan gudaha dalka Somaliya.
Agaasimaha Wasaarada qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga Sakariye C/laahi Xasan ayaa warbaahinta u sheegay in Wasaarada Qorsheynta Maamul Goboledyada dalka ka jira ay kala tashaneyso hirgelinta Barnaamijkaan.
Sakariye C/laahi Xasan Agaasimaha Wasaarada qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ee Wasaaradda Qorshaynta Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa sidoo kale tilmamay in wasaaradda ay ku howlan tahay sidii shaqoooyin loogu abuuri lahaa dhalinyaro soomaliyeed ee ka baxda Jaamacadaha dalka.
Mashaariicda Midowga Yurub wadanka Somaliya ay siiso, ayaa waxaa la soo marsiiyaa Hay’addo NGO ah oo fadhigooda uu yahay Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya kuwaasi oo inta badan lagu eedeeyo Musuq-maasuq.

