Beesha Caalamka oo ka Dalbatay Maamul Goboleedyada in ay Soo Dhameystiraan Qoondada Haweenka ay ku Leeyihiin Aqalka Sare

0

War kasoo baxay Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Dowladda Maraykanka, Sweden, Taliyaaniga iyo Itoobiya ayaa loogu dalbaday maamul Goboleedyada dalka ka jira in ay soo dhameystiraan Qoondada Haweenka ay ku leeyihiin Aqalka Sare ee dalka, kadib markii Guddiga Doorashada Dadban ee dalka ay dib ugu celiyaan Maamul Goboledyada Jubbaland, Puntland iyo Galmudug Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare.

Warka  kasoo baxay beesha caalamka ayaa sidoo kale  lagu taageeray Go’aankii Guddiga Doorashada Dadban ee Heer Federaal  ee dalka ay ku muujiyeen Ilaalinta Heshiiskii ay wada gaareen Hogaamiyayaasha Madasha Wadatashiga qaran ee ahaa ilaalinta qoondada Haweenka ee Kuraasta Baarlamanka Soomaliya.

Waxa ay sheegeen xubnaha Beesha caalamka muhiim inay tahay xaqiijinta Kootada Haweenka ee Aqalka Sare, iyadoo la eegaayo Heshiiskii ay horay u wada gaareen Xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran.

“Saaxiibadda Caalamiga ee Somaliya waxay soo dhaweeyeen go’aanka ay Guddiga Doorashadda Dadban ee Heerka Federalka ku dhowrayaan Sharciga iyo Ballanqaadyadda ay Hoggaamiyayaasha Somalida sameeyeen.” Ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Beesha caalamka.

Guddiga Doorashada dadban ee dalka, ayaa ka dalbaday maamulada Galmudug, Puntland iyo Jubbaland inay waafajiyaan Hanaanka Doorashada dadban ee dalka Magacaabista Xubnaha Aqalka Sare ee dalka.

8-dii Bishan ayeey Maamuladan soo gudbiyay Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare ee dalka u tartamaya, waxaana Guddiga Doorashada ay ku haystaan Maamuladan xaqiijinta Kootada Haweenka ee ah 30%.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here