Dowladaha Eritrea, Masar iyo Dalal kale oo Lagu Eedeeyay Dibad baxyada ka Dhacaya Dalka Ethopia

0

Dowladda Ethopia ayaa ku eedeeysay dowladaha  Eritrea, Masar iyo dalal kale hubaynta, tababarka iyo maalgelinta kooxaha ay ku eedeysay mawjadaha dibad baxyada iyo rabshadaha gobolada ku xeeran magaalada Addis Ababa.

Wasiirka warfaafinta Getachew Reda, ayaa sheegay in dad shisheeye ay hubaynayaan, tababarayaan ayna lacag siinayaan kooxaha mucaaradka, inkastoo aysan si rasmi ah uga haysan taageero dowladahooda.

Xukuumada Itoobiya ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah ka dib muddo bilooyin ah oo ay socdeen banaanbaxyo rabshado wata oo xukuumadda looga soo hor jeedo, kuwaasoo ruxay dalkaasi gaar ahaan gobolka ugu weyn ee Oromiya.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa TV-ga dawladdu maamusho ka sheegay in xaalada degdegga ah lagu soo rogay dalka sababta oo ah marxalada uu dalka hada marayo ayaa halis galineesa dadweynaha dalka.

Tan iyo markii ay banaanbaxyadu ay ka billowdeen dalkaasi waxa ku nafwaayay ugu yaraan 500 oo qof iyada oo todobaadyadii ugu danbeeyay ay xaalada kasii dareesay ka dib markii todobaad ka hor 55 qof ay ku dhinteen isbuurasho ka dhacday gobolka Oramia intii ay socotay xaflad-dhaqameed ay dadka Oromadu lahaayeen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here