Guddiga Doorashooyinka :-Maamulada Dalka Waa inay Waafajiyaan Hanaanka Doorashada Magacaabista Xubnaha Aqalka Sare

0

Guddiga Doorashada dadban ee dalka, ayaa ka dalbaday maamulada Galmudug, Puntland iyo Jubbaland inay waafajiyaan Hanaanka Doorashada dadban ee dalka Magacaabista Xubnaha Aqalka Sare ee dalka.

8-dii Bishan ayeey Maamuladan soo gudbiyay Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare ee dalka u tartamaya, waxaana Guddiga Doorashada ay ku haystaan Maamuladan xaqiijinta Kootada Haweenka ee ah 30%.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada dadban ee dalka Abukaate Cumar Dhagey ayaa sheegay Maamulka Koonfur Galbeed kaliya in Kootada Haweenka ay xaqiijiyeen.

001

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here