Kenya ayaa waxaa ay sheegtay tan iyo markii ciidamadeedu ay soo galeen gudaha Somalia ay sameeyeen laba hawgal oo waaweyn oo ay shabab kaga qabsadeen dhowr iyo toban magaalo oo ku yaala koonfurta dalka Somalia.
Hawgaladaas ayay sheegtay dawlada Kenya in ay yihiin guul ay soo hooyeen ciidamadeeda dagaalka kula jira Xarakada Al-shabaab.
Guushii ugu weyneed ee ciidamadeedu ay gaareen intii ay dagaalka ay kawedeen Somalia ayaa waxa ay ku tilmaantay in ay tahay kasaaritaankii ciidamada Kenya ay ka saareen Al shabaab magaalada kismaayo ee Caasimada Kmg-ga ah ee maamulka Jubba-land.
Hawgalkaan ay ciidamada Kenya kawadaan Somaliya oo ay ugu magacdartay Operation Sledge,ayaa waxaa ka qayb qaadanaya seddex kooxood iyo sidoo kale ciidamo gaar ah kuwaas oo loogu talagalay xaalado gaar ah.
Kenya ayaa sheegtay in guulaha kale oo ay gaareen ciidamadeedu ay ka mid tahay magaalada Baardheere iyo magaalooyin kale oo badan oo dhaca koofurta Somalia halkaas oo ay ku xooganaayeen Al Al-shabaab.
Bishii October 16, 2011 ayay ahayd markii ciidamada Kenya ay gudaha usoo galeen Somalia waxaana dawlada Kenya ay ku faantay illaa iyo markaa ay ciidamadeedu al shabaab kasaareen iyo dhowr iyo toban magaalo.
Dhanka kale Ciidamo Kenya ayaa waxaa soo gaaray qasaaro xoogan inta ay ku sugan yihiin Soomaliya waxaa laga xusi karaa weerarkii lagu qaaday saldhig ay ku lahaayeen deegaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo.
Hogaanka al-shabaab waxa ay tilmaameen in ay weerarkaas ay ku dileen ku dhawaad 100-askari oo ka tirsanaa ciidamada Kenya wallow aysan dowlada Kenya aysan wali soo bandhigin tirade rasmiga ah ee kaga dhimatay weerarkii 15-kii Bishii Janaayo lagu qaaday xiro ay ciidanka Kenya ku lahaayeen deegaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo.

