In ka badan 100 qof oo muhaajiriin Afrikaan ah ayaa laga soo badbaadiyay badda Mediterraneanka gaar ahaan meel u dhow xeebaha dalka Spain kuwaas oo isku dayay in ay u talaabaan qaarada Yurub, islamarkaana saarnaa doon macmal ah sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan kooxaha gurmadka ee ka hawgala badda Mediterraneanka.
Haweeney u hadashay dowlada dalka Spain ayaa sheegtay in laga soo saaray badda dad gaaraya 104 qof oo saarnaa hal doon oo si xad dhaaf ah loo soo raray, caruur ay qaarkood aad u yar yaryihiin ayaa la sheegay sidoo kale in ay lasocdeen doontaas.
Dadka lasooo bad baadiyay ayaa la sheegay in loo kala qaaday goobo kala duwan oo ay ka mid tahay jasiirada lagu magacaabo Alboran ee dalka Spain.

