Madaxweynaha Galmudug iyo Taliyaha Booliska oo Tababar Ugu Soo Xirey Magaalada Cadaado Ciidamo Boolis Ah

0

Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliyeed Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa maanta Tababar ugu soo xirey Magaalada Cadaado ee Caasimada Kmg-ga ee Maamulka Galmudug Cutubyo ka Tirsan Ciidamo Booliska Galmudug.

Ciidankaan cusub oo ka tirsan Booliska Maamul Goboleedka Galmudug, ayaa waxaa ay gaarayaan tiradooda ilaa 400 oo Askari, kuwaasi oo muddo tababar qaadanaayay duleedka Magaalada Cadaado ee Caasimada ee Maamulka Galmudug.

Madaxweyne Guuleed ayaa salaan sharaf ka qaatay in kabadan 800 Askari oo isugu jira, 400 oo ah askar maanta tababarka dhameysatay, iyo 400 horey u qaatay tababar, saraakiisha qaar ayaa la gudoonsiiyey bilado kala duwan, waxaana ciidamadan oo ay wehliyaan kooxda bambeyda dhoola tus ku sameeyeen wadooyinka Magaalada Cadaado.

Dhanka kale Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliyeed jeneraal  Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa Ciidamada Booliska Tababarka loosoo Xirey kula dar-daarmay In kasoo kasoo baxaan waajibaadka loo ikmaday, islamarkaana si wanaagsan ugu adeegaan Bulshada Galmudug.

img_7610 img_7611 img_7618 img_7621 img_7622 img_7652 img_7656 img_7658 img_7660 img_7661 img_7664 img_7665 img_7666 img_7667 img_7677 img_7678

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here