Akhriso:-Heshiis Hordhac ah oo Laga Gaaray Dagaalada Maalmihii Dambe ka Dhacayay Magaalada Gaalkacyo

0

Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug dhanka  xadka kala qaybiya labada maamul ee Galmudug iyo Puntland   waxaa goordhaweyd lagu soo gaba-gabeeyay Shir nabadayn ah oo waxgaradka iyo Culimada Puntland iyo Galmudug  ay ka qeyb galeen.

Shirkaan ayaa ka dhacay Bakhaarada ku yaalla halka ay iska galaan labada Maamul ee magaalada Gaalkacyo ee Gobolada Mudug, waxaana si dhab ah looga wada hadlay, dagaalkii draad magaalada ka dhacay iyo sababta keentay.

Shirka waxaa sidoo kale qayb ka ahaa Culimada Gobolka Mudug waxaana odayaasha iyo culimadu isku raaceen qodobadaan soo socda.

1:- xabbad Joojin Rasmi ah.

2:-  Ciidanka in lakala qaado.

3:- Wada hadal rasmi ah iyo Nabadayn

Waxaa intaas dheer in Odayaashu socdaal ku tagi doonaan Meelaha ciidanku joogo

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here