Lionel Messi ayaa kasoo kabanaya dhaawac soo gaaray iyadoona macquul laga dhigaayo in uu kusoo laabto kooxdiisa kulamada ay la ciyaareyso kooxaha Deportivo La Coruna iyo kulanka Manchester City ee Champions League.
Weeraryahanka xulka dalka Argetine ayaa dhaawac loogu saaray kulankii ay barbaraha Barcelona la gashay kooxda Atletico Madrid September 21-keeda waxa uu seegay guushii ay kooxdiisa ka gaartay kooxaha Borussia Monchengladbach iyo Sporting Gijon iyo Guuldaradii ay kala kulmeen Naadiga Celta Vigo Axadii aynu soo dhaafnay.

