Tababaraha kooxda Chelsea ee Antonio Conte ayaa doonaya in weli kooxda uu ku soo kordhiyo xiddigo cusub marka suuqa kala wareegga uu furmo bisha January sanadkan 2017-ka.
Antonio Conte Haatan waxa uu isha ku hayaa in uu kooxda ku ku soo kordhiyo garabka kooxda Lazio ee Horyaalka dalka Talyaaniga Felipe Anderson
Laacibkaas 23 sano jirka ah ee kasoo jeeda Brazil ayaa qaab ciyaareed wacan ku soo muuqanaya labadii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay waxa uuna soo jiitay kooxo kala duwan oo horyaalka Ingiriiska ah.

