Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaliya Pro Jawaari oo Ka Qeyb Galaya Dhaarinta Xildhibaanada Hir-shaballe.

0

Wafdi uu Hogaaminaayo Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaliya Mudane Maxamed Shiikh Cusmaan uuna qeyb ka yahay Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Mudane Maxamed iidle Suleymaan ayaa saacadaha soo socda lagu waadaa in ay gaaraan magaalada Jowhar ee Caasimada Maamulka Hir-shaballe.

Mas’uuliyiinta ayaa ka qeyb gali doona dhaarinta Xildhibaanada Cusub ee Baarlamanka Maamulka Hir-shabeelle oo maanta ka dhici doonta Magaalada Jowhar ee Caasimada Maamulkaas.

Amaanka Magaalada Caasimada Maamulka Hir-shaballe  ee Jowhar ayaa si weyn loo adkeeyay Ciidamo ka Tirsan kuwa Dowladda Soomaliya iyo Amisom ayaa lagu arkayaa hareeraha Xarunta Shirka uu ka socdo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here