140 ruux oo ku Geeriyootay Duqeyn ka Dhacday  Goob Tacsi ah Dalka Yemen+Sawirro

0

Inta la xaqiijiyay 140 ruux oo ka mid ahaa dad ka qaybgalaayay tacsi ka socotay dalka Yemen ayaa  geeriyooday  kadib markii  goobtii ay ku sugnaayeen ay duqeysay diyaarad.

Duqeyntaan ayaa la sheegay inay geysteen Diyaaradaha dagaalka Isbaheysiga uu Sacuudiga Hogaamiyo, waxaana dadka Duqeynta lagu garaacay ay ku sugnaayeen Madal ay ka socotay Tacsi.

Wasiir ka tirsan Xukuumadda Yemen oo Aabihii uu geeriyooday tacsi loo dhigaayay ayeey ka qaybgalayeen dadkaasi, kuwaasi oo mar kaliya la kulmay Duqeyn culus oo ay geysteen Diyaarado dagaal.

Sidoo kale Shaqaalaha caafimaadka ee Dalka Yemen ayaa si weyn uga carooday tirada intaasi la eeg ee dadka ah ee Duqeynta lagu laayay.

1475992781f9d00 1475992786e35f8 1475992794ee384 1475992795afc56 14759927829eef8 14759927901d5d6 147599278453d8b 147599279236a3f 147599278237584

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here