Cumar Dhagey:- Madasha Wadatashiga ayaa Laga Sugayaa Xulista Aqalka Sare ee Somaliland iyo Hiiran iyo Shabeelle Dhexe

0

Guddigga doorashooyinka  Dadban ee heer federal oo shir saxaafadeed ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in  hannaanka soo xulista xildhibaanadda Aqalka sare ee Goboladda hiiraan iyo shabeeladda dhexe iyo Maamulka Soomaaliland looga fadhiyo inay keenaan hoggaamiyayaasha Madasha Wadatashiga qaran oo maalintii isniinta ku kulmaya Magaaladda Muqdisho.

Guddoomiyaha Guddigga doorashooyinka  Dadban   Cumar Maxamed Cabdulle oo waraysi siiyay Idaacadda VOA,  wuxuu sheegay in beesha caalamka, hoggaamiyayaasha madasha qaran  iyo dowladda federaalka Soomaaliya ay  dadaal u galeen sidii loo fududayn lahaa soo xulista xubnaha u matalaya Goboladda Hiiraan iyo Shabeeladda dhexe iyo Waliba Maamulka Soomaaliland.

“Shabeeladda Dhexe iyo Hiiraan oo maamul goboleed hadda u dhisnayn oo hannaan gaar ah lagu doorto musharixiintooda aqalka Sare iyo Soomaaliland oo iyaguna u baahan hannaan gaar ah oo lagu doorto xubnahooda aqalka Sare, waxaanu ka sugaynaa in madashu qaranku soo Saaraan” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Doorashadda Cumar Maxamed Cabdulle.

Ilaa haatan Maamulada Puntland, Galmudug iyo Jubba-land  ayaa Guddiga doorashooyinka  Dadban ee heer Federal u gudbiyay Liiska musharixiinta Xubnaha aqalka Sare mamuladooda iyadoo maamulka koonfur Galbeed uu guddi sheegay in laga sugaayo wali.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here