Macalinka xulka dalka Spain Julen Lopetegui ayaa difaacay qaab ciyaareedka weeraryahanka kooxda Chelsea Diego Costa kulankii Spain ay barbaraha ay la galeen xulka dalka Dalka talyaaniga.
Julen Lopetegui ayaa badal ku sameeyay xidigaan kadib markii uu qaatay kaarka digniinta, balse macalinkii hore ee kooxda Benfica ayaa aaminsan in weeraryahanka kooxda Chelsea in uu wali yahay mid kamid ah xidigaha ugu saameynta badan xulka Spain.
Diego Costa ayaa kamid ah xidigaha ugu dagaalka badan ciyaaraha balse macalinkiisa ayaa rumeysan in hadii jaceel llo muujiyo xidigaan in uu wanaagsanaan doono.

