Sagaal kamid ah shaqaalaha caawinaada ka howlgala ayaa lagu dilay weerarada dhaca soomaaliya intii u dhaxeesay bilihii January iyo September sanadkaan 2016-ka, sidaasi waxaa warbixin ku soo saaray Xafiiska Qaramada midoobay ee ka shaqeeya arrimaha beni’aadannimada( OCHA).
OCHA ayaa sheegtay in 100 dhacdo oo rabshado ah in ay ka dhasheen dilal loo geestay,11 kamid ah shaqaalaha caawinaada ka howlgala ayaa la dhaawacay halka saddex kale la afduubtay intii lagu gudajiray sagaalkii bilood ee ugu dambeeyay.
Hay’adda ayaa intaas ku dareysa in amni la’aanta soomaaliya jirta saameyn ku yeelatay nolosha dadka shacabka ah iyo in ay abuurmayaan carqaladaha deegaanka oo hay’addaha arimaha bini’aadannimada adagtahay in shacabka ay caawiyaan.
Soomaaliya ayaa ka soo kabaneysa labo qarni oo dagaalo sokeeye ay kajireen laakiin wali Xarakada Alshabaab waxa ay gacanta ku hayaan goobaha dhaca koofurta soomaaliya iyo bartamaha dhulka Soomaliya .
Waxaana ay weerar ku hayaan shaqaalaha kala duwan ee ka socda hay’adaha gar-gaarka biniaadinimada ee ka howlgala soomaaliya, mararka qaarnawaxa ay dalbadaan lacago madax furasho ah.
Hay’adda OCHA ayaa tibaaxeysa in arimaha amniga lasii xoojiyo isla markaana ay tahay in lasiijoogteeyo si loo wajaho xaalad amni oo dagan.

