Xili ay soo baxeen warar ku aadan in shaqada laga eryay Amadu Kamara, oo ah Agaasimaha Xafiiska UNSOM iyo weliba UNSOA, ee Somaliya ayaa waxaa uu beeniyay in lagu sameeyay shaqo joojin.
Amadu Kamara oo ku sugan xiligaan Dalka Kenya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in shaqada laga eryay ,waxaana uu intaa ku daray in uu hadda u socdo Magaalada Kampala ee Caasimada dalka Uganda halkaas oo uu u aadayo shaqo ay u dirtay Qaramada Midoobey todobaad gudahiina dib ugu soo laabanayo Somaliya.
“Waa waxba kama jiraan in shaqada leygaga eryay qiyaano iyo masuq-maasuq aan sameeyay , waxaana ku adkeysanayaan in ay been tahay waxa la sheegayo,walina waxaan ka Tirsanahay shaqaalaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya”, ayuu yiri Amadu Kamara oo Taleefanka Nairobi ugu warramay Wargeyska Politico.
Amadu Kamara oo u dhashay dalka Senegaal ee qaarada Afrika ayaa ahaa Agaasimaha Taageeradda Hawlgalladda ee Xafiiska QM ee Somalia (UNSOM) iyo Agaasimaha Xafiiska QM ee UNSOA ee Taageero-siinta Hawlgalka Ciiddanka Nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.
Amadu Kamara oo sidoo kale xubin ka ahaa Guddiga Qaramada Midoobay ee Kormeerka Cunaqabataynta Hubka ee saaran dalalka Somaliya iyo Eriteria ayaa la sheegay in xilka laga qaaday maalintii Talaadada ee la soo dhaafay.
Sarkaalkan, oo qaybta nabad ilaalinta ee Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa ku biiray sanadkii 1993-kii, ayaa Soomaaliya yimid Bishii April ee Sanadii 2012-kii, markii laga soo wareejiyay Xafiiska Qaramada midoobay ee Koofurta dalka Suudaan.

