Kooxo Hubeysan oo Xalay Dhac Ka Geystay Xaafado ka Tirsan Degmada Yaaqshid+Dhageyso

0

Kooxo Hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa dhac ka geystay Xaafado ka Tirsan degmada Yaaqshid ee Gobolka Banaadir.

Kooxaha hubeysan ayaa la sheegay in ay u dhaceen ilaa iyo 13-guri oo ku yaala Xaafadaha degmada degmada Yaaqshid ee Gobolka Banaadir, Iyagoona dadkii xaafadaas ku sugnaa ka qaatay waxyaalihii ay xiligaas heysteen sida Mobeelo, kombiyuutaro iyo alaabo kale.

Mid kamid ah dadka deegaanka Xaafada Jungal ee degmada Yaaqshid oo saakay lasoo xiriiray idaacada simba ayaa sheegay in xalay kooxo hubeysan ay u dhaceen dhowr iyo toban guri oo ku yaala degmadaas islamarkaana ay qaateen alaabo badan.

“Waalaalow waxaan daganahay xaafadda Jungal ee degmada Yaaqshid, xalay waxaa xaafadaan usoo dhacay kooxo ku hubeysnaa bastoolado oo ilaa iyo dhowr nin gaarayay, waxayna guryaha u garaacayeen dadka shacabka ah, markii laga furo ayay waxyaabaha dadka ay heystaan ayay ka qaadanayeen, inta badan ujeedkii ay lahaayeen way gaareen”, ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka Xaafada Jungal ee degmada Yaaqshid.

Xiriiro aynu la sameenay maamul Degmada Yaaqshid inooma suurta galin in aan qadka Taleefanka ku helno.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here