Ciidamada Booliska Kenya ee ka hortaga falalka Argagixisada ayaa gacanta ku dhigay Dr; C/laahi C/qaadir Caalin, oo ka hawl galayay Isbitaalka guud ee Degmada Malindi, xili lagu eedeeyay inuu ka tirsan yahay Ururka isku magacaabay qilaafada Islaamka ee fadhigiisu yahay Dalalka Ciraaq iyo Suuriya.
Booliska ka hortaga falalka Argagixisada dalka Kenya ayaa howlgal qorshaysan ka sameeyay Xaafadda Sea Breeze, oo ka tirsan degaanka Kilifi aroornimadii hore ee shalay waxaana u suurta gashay in ay gacanta ku dhigaan ninkaan lagu eedeeyay in uu ka Tirsan yahay ururka Islaamiga ee Daacish.
C/laahi C/qaadir Caalin oo 35 jir ah, ayaa looga shakiyay inuu la shaqaynayay koox ka tirsan Daacish oo diyaarinaysay weerarro ka dhaca gudaha Dalka Kenya, iyo Magalooyinka Gobolka woqooyig bari ee dalkaas.
Sarkaal ka tirsan Degmada Malindi, oo lagu Magacaabo Matawa Muchangi, ayaa u sheegay wargeysk Dailynation ee kasoo baxa dalkaas in Boolisku ay bartilmaameedsanayeen Guriga Ninkan laga shakiyay, iyagoo u dhacay markay Saacada geeska Afrikada Bari ahayd 2-da dambe ama Siddeed Saac.

