War kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay Sarkaal sare oo ka tirsanaa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Dalka Soomaaliya UNSOM, shaqadii laga joojiyay kadib markii lagu helay wax is daba marin iyo musuqmaasuq.
Amadu Kamara oo u dhashay dalka Senegaal ee qaarada Afruka ayaa ahaa Agaasimaha Taageeradda Hawlgalladda ee Xafiiska QM ee Somalia (UNSOM) iyo Agaasimaha Xafiiska QM ee UNSOA ee Taageero-siinta Hawlgalka Ciiddanka Nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.
Amadu Kamara oo sidoo kale xubin ka ahaa Guddiga Qaramada Midoobay ee Kormeerka Cunaqabataynta Hubka ee saaran dalalka Somaliya iyo Eriteria ayaa la sheegay in xilka laga qaaday maalintii Talaadada ee la soo dhaafay.
Sarkaalkan, oo qaybta nabad ilaalinta ee Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa ku biiray sanadkii 1993-kii, ayaa Soomaaliya yimid Bishii April ee Sanadii 2012-kii, markii laga soo wareejiyay Xafiiska Qaramada midoobay ee Koofurta dalka Suudaan.

