Waxaa sii kordhay qasaaraha ka dhashay dagaal culus oo saakay ka qarxay magaalada gaalkacyo ee gobolka mudug.
Wararka magaalada aynu ka heleyno ayaa ku waramaya in dagaal ay ku dhinteen dad ku dhow 10 qof iyadoona ay jiraan dad inta ka badan oo ku dhaawacmay dagaalka.
Isbitaalada magaalada gaalkacyo ayaa la gaarsiiyay dad badan oo ku dhaawacmay dagaalka ka socdo magaalada.
Ciidamo fara badan oo ka kala tirsan maamulada puntland iyo gal-mudug ayaa ku biiraya dagaalka ka socdo magaalada.
Mas’uuliyiinta maamulada puntland iyo galmudug ayaan weli ka hadlin dagaalka saakay ka qarxay magaalada gaalkacyo.
Wixi soo kordho la soco

