Waxaa maanta magaalada muqdisho lagu wada in uu ka dhaco kulan sadex geesood ah islamarkaana u dhaxeeya Dowlada soomaaliya, Mareykanka iyo sido kale maamulka Gal-mudug.
Madaxweynaha maamulka galmudug C/kariin xuseen Guuleed oo soo gaaray shaley magaalada muqdisho ayaa ka qeyb gelaya kulan diyaarada lagu soo saarayo sida xal logu gaari lahaa duqeynti dhawaan mareykanka uu ka fuliyay gobolka mudug islamarkana galmudug ay sheegtay in lagu dilay ciidamo ka tirsana maamulkooda.
Kalanka sidoo kale waxaa qeybka ah saraakiil ka tirsan ciidanka mareykanka gaar ahan kuwa qaabilsan howlgalada mareykanka uu ka fuliyo wadamada dhaca geeska Africa iyo sidoo kale madax xaga siyaasada u qaabilsan wasaarada gaashaandhiga mareykanka.
Kulanka sadex geesoodka ah ayaa lagu gorfeyndoona sida mareykanka uu mag dhow kaga bixin laha ciidanka galmudug ee duqeynta lagu dilay.
Madaxda dowlada iyo kuwa maamulka galmudug ayaa wado dadaalo mareykanka ay kaga doonayan in sharaxaad uu kaga bixiyo sababihi kenay weerarka iyo sidoo kale xalinta qoosaski ay ka dhasheen ciidanka la dilay
Kulankan ayaa ka dhacayo manta xarunta xalane oo ah fadhiga ugu weyn ee ciidanka Amisom ee soomaaliya joogo.

