Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Cumar C/rashiid Cali Shamarke ayaa Maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka dowlada Mareykanka u fadhiya Soomaliya Stephen M. Schwartz .
Labada Mas’uul ayaa kawada hadlay arrimo ay kamid yihiin doorashooyinka sanadkaan ka dhacaya dalka Soomaliya, iyo sidii loo xaqiijin lahaa amaanka goobaha doorashooyinka ay ka dhacayaan ee Magaalada Muqdisho iyo Caasimadaha dowlad Goboleedyada dalka ka jira.
Kulanka kadib waxaa warbaahinta la Hadlay la Taliyaha Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Mudane C/qani Cabdi Jaamac isagoona sharaxaad ka bixiyay qodobada ay kawada hadleen Raisulwasaare Cumar iyo Stephen M. Schwartz.
“Waxaa Maanta kulan wada yeeshay Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali sharmarke iyo Safiirka dowlada Mareykanka u fadhiya soomaliya Stephen M. Schwartz, waxayna labada Mas’uul ay kawada hadleen 3-qodob oo muhiim ahaa waxaana kamid ahaa arrimaha doorashooyinka Soomaliya ka dhacaya sanadkaan 2016-ka, iyo qaababka ugu wanaagsan ay doorashada u dhacayso, iyo sidii loo xaqiijin lahaa lixda goobood ay doorashada ay ka dhacayso, iyo sidii loo xaqiijiyay lahaa amnIga iyo kaalinta ay qaadan lahaayeen Ciiidamada Dowladda oo dagaal kula jira Xarakada Al-shabaab”, ayuu yiri la Taliyaha Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya C/qani Cabdi Jaamac.
Dowladda Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha Soomaliya garab taagan iyadoo dhawaan shaacisay in Soomaliya ay ka taageeri doonto sidii si nabad galyo ay ugu qabsoomi laheyd Doorashada.

