Al shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada weerarki xaley xiliga danbe ka dhacay magaalada mandheere ee gobolka waqooyi beri Kenya.
War ay baahisay warbaahinta ku hadasha afka al shabaab ee Andulus ayaa waxaa lagu baahiyay war la xariira in ciidamo ka tirsan kuwa al shabaab ay fuliyeen weerar lagu dilay ku dhawaad lix ruux oo kenyaan aha.
Al shabaab ayaa waxa ay tilmaameen in ciidamo iyga taabacsanaa ay xaley fuliyeen weerar qorsheysan islamarkaana dad kenyaan ah ay qasaare ku gaarsiiyeen.
Sidoo kale al shabaab ayaa sheegay in ciidamadi weerarkaasi fuliyay ay si nabad ah ay ugu so laabteen deegaanadi marki hore ay ka duuleen.

