Musharaxweyne Dr C/naasir ” Madaxda Dowlada iyo kuwa Maamul Goboleedyada Waxey ku Milmeen Dastuurka” Dhageyso

0

Musharaxweyne Dr C/naasir Cabdule Maxamed ayaa sheegay in dastuurka oo la hareer maray uu keenay in ay isku milmaan madaxda dowlada iyo kuwa maamul goboleedyada.

Musharaxa Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Dr C/naasir cabdule maxamed ayaa Sheegay Dalku uu ku Jiro Jaah-wareer ku aadan Dhanka Nidaamka Federaal oo Soomaaliya ay qaadatay Sanado ka Hore.

Musharax  Dr C/naasir ayaa Tilmaamay in la Bur-buriyey Dastuurka Ku Meel gaar ah ee Dalka u yaala gar ahaan Qodabada ka hadlaya  hab raaca iyo Qaab Dhismeed ka Maamul Gobaleedyada Xubnaha ka ah Dowlada Dhexe,Awoodaha ay kala leeyihiin Hay’adaha Dowlada Dhexe iyo Dowlada Gobaleeyada waxa uuna Xusay in ay ka jiraan Madaxweynayaal badan oo is Garab yaacaya oo uu San jirin Sharci iyo Dastuur kala Xadaynaya.

Musharaxa Madaxweynaha Soomaaliya Dr C/naasir Cabdule Maxamed oo sii hadlay ayaa intaa waxa uu ku siidaray in Caqabada kale ee Dalka Heysata ay tahay Qabyaalad taas oo Dhan walba ka daragaadisay Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed,  Asagoona Xusay  in Shaqooyinka Hay’adaha Dowlada iyo Maamul Gobaleedayada  ay ku qeybsan yihin Qabiil taasi oo uu sheegay in looga Gudbi karo oo kaliye in la Helo Cadaalada iyo Sinaan.

Musharaxa ayaa Hadalkaan Qiirada leh waxa uu ka Jeediyey Kuln Door-Cilmiyeey looga Hadlayey Dowlada Wanaaga iyo Dhaqaalaha Islmarkaan ay su’aalo ku weydiinayeen Ardada Wax ka barta Jaamacadaha ku yaala Magaalada Muqdisho iyo Dadweyne Kale.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here