Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka  Dadban oo ka Hadlay Dib u Dhaca ku Yimaaday Soo Gudbinta Xubnaha Aqalka sare+Dhageyso

0

Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka  dadan oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa faah-fahin ka bixiyay dib u dhaca ku yimaaday xiligii maamul Goboleedyada laga sugayay iney soo gudbiyaan Wakiilada Xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka Sanadkaan u matalaya maamul goboleedyada.

Afhayeenka Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka  dadan Mudane Maxamed Kenyaan oo maanta warbaahinta kula hadlay maagalada Muqdisho ayaa sheegay in dib u dhaca soo gudbinta liiska wakiilada xubnaha aqalka sare ee Maamul Goboleedyada   eedeeda ay leeyihiin Madaxda Maamul Goboleedyada oo maanta laga sugayay in ay soo gudbiyaan.

“Guddiga federaalka Hirgalinta Doorashooyinka dadban waxa uu cadeynayaa in maanta oo ah 5-bisha October sanadka 2016-ka oo ah maalintii lagu balamay  in  Dowlad  goboleedyada ay soo gudbiyaan Magacyada musharixiinta Xubnaha aqalka sare, sababta dib u dhaca keentay ayaa ah in aysan maamul Goboleedyada  soo gudbin xubnah aqalka sare, wuxuuna Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka  dadan uu ugu baaqayaa maamul Goboleedyada in ay  kusoo gudbiyaan  dadan Magacyada musharixiinta Xubnaha aqalka sare muddo Labo maalin  ah” ayuu yiri Afhayeenka Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka  dadan Maxamed Kenyaan.

Sidoo kale Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka  dadan ayaa ugu baaqay Madaxda Madasha wadatashiga qaranka In ay dadajiyaan soo xulista xubanaha aqalka sare u matali doono Maamulka Hir Shabeelle oo wali dhismihii uu socdo, iyagoo sidoo kale Madaxa Madasha ka codsaday in ay soo gudbiyaan Magacayada Xubnaha aqalka sare u matali doona Somali-land.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here