Denjiraha Qaramada Midoobay u Qaabilsan ee Arrimaha Soomaliya Denjire Michael Keating oo Gaaray Baydhabo

0

Wafdi uu Hogaaminaayo Denjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan  arrimaha Soomaliya Denjire Michael keating ayaa maanta Gaaray Magaalada Baydhabo ee Caasimada Kmg-ga ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya.

Wafdigaan uu hogaaminaayay  Denjire Michael keating waxaa Garoonka diyaaaraha Shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo  ee Gobolka Baay kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya  Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo masuuliyiin ka tirsan maamulkaasi.

Ujeedada Wafdiga ee Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay  ayaa lagu sheegayaa iney la xiriirto arrimaha doorashooyinka ee ka dhacaya magaalada Baydhabo iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.

Dhawaan Waxaa Magaalada Baydhabo ee Caasimada Kmg-ga ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya gaaray Madaxweynaha Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo kulamo la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada Magaaladaas ku nool.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here