Dhalinyaro ka Carootay Tababar ay Siinayeen Ciidamada Imaaraadka Carabta oo U Gacan Galay Xarakada Al-shabaab.

0

Wararka ka imaanaya  deegaanka Laabta-buuro ee duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in dhalinyaro la sheegay in ay ka caroodeen Tababar ay siinayeen Ciidamada dowlada Imaraadka  Carabta in ay u gacan galeen  dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab oo deegaanka ku sugan.

Dhalinyarada oo marki hore laga kala keenay deegaanada Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa la sheegay in ka caroodeen Tababar Ciidan ay siinayeen Ciidamada Imaaraadka Carabta isla maanta ay go’aasadeen in ay dib ugu laabaan deegaanadii ay markii hore ka yimaadeen balse intii ay wadda ku jireen ayaa waxa ay u gacan galeen dagaalyanahada Xarakada Al-shabaab.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here