Al-shabaab oo Madaafiic ku Garaacay Saldhig ay Ciidamada Jabuuti ku Leeyihiin Magaalada Beledweyne

0

Dagaalyahano ka Tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa habeenkii xalay ahaa Tiro Madaafiic ah ku tuuray Saldhig ay Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah Howlgalka Midowga Afrika Amisom ay ku leeyihiin Xaafada Holwadaag ee Magaaladaas.

Madaafiicda ayaa inta badan si weyn loogu maqlay dhamaan xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan waxaana jiray madaafiic ay ku jawaabeen Ciidamada Jabuuti oo ilaa haatan aan la ogeyn qasaaraha ay geysteen.

Wariyaha Magaalada Beledweyne ee Radio Simba C/qaadir Nadaara ayaa kusoo waramaya in Madaafiicda xalay si weyn loogu maqlay Magaalada Beledweyne islamarkaana saakay la ogaanayo qasaaraha ay geysteen ee dhanka shacabka soo gaaray.

Dhowr jeer oo hore Ciidamada  Xarakada Al-shabaab ayaa Madaafiic ku garaacay Saldhigyo  ay ku sugnaayeen Ciidamada qeybta ka ah  Amisom oo ku yaala  Magaalooyinka, Baydhabo,kismaayo, Beledweyne iyo Muqdisho.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here