Faah-Faahin:-Qaraxyo Bambaano oo Caawa Laga Maqlay Gudaha Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose

0

Wararka  ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose ayaa ku waramaya in kooxo hubeysan ay caawa labo Bambo Gacmeed ay ku tureen  Xarumo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaliya  iyo kuwa Maaamulka Jubba-land oo ku yaala Gudaha Magaaladaas.

Labada Qarax  ayaa si weyn loogu loogu Maqlay Gudaha Xaafada Calanley ee  Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose, waxaa jirey qaraxyada kadib Rasaas xoogan ay fureen Ciiidamada Jubba-land iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaliya  oo ilaa haatan aan la ogeyn qasaaraha ay geysatay.

Dhanka kale Taliye Ku-xigeenka Booliska Maamulka Juba-land Cornel Xasan Qeyre Axmed oo Goordhaweyd la hadlay idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay in Labo qarax oo Bambaanooyin ahaa in caawa lagu weeraray Xarunta Degmada Kismaayo iyo  Saldhig Ciidan oo ku yaala Xaafada Calanley ee isla Magaalada kismaayo, islamarkaasna aysan jirin qasaaro soo gaaray Ciidamadii halkaas ku sugnaa.

Arintaa ayaa kusoo beegmaysa xili saakay Ciidamada Nabada Sugida Maamulka Jubba-land ay Howlgal Qorshaysan ay ka sameeyeen Xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose kaasi oo lagu soo qab-qabtay dad lagu tuhmaayo in ay ka qeyb qaataan  falalka amni daro ee mararka qaar ka dhaca gudaha Magaaladaas.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here