Taliyaha ciidanka difaaca Puntland General Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa sheegay in ay ciidamada amnigu Puntland bilaabeen howlgallo lagu xoojinayo amniga magaaladaasi.
Howgalladaan ayaa saameeyey isku socodka dadka iyo gaadiidka dadweynaha ee isticmaalo qeybo kamid ah xaafadaha Garoowe oo uu howlgalka ka socday..
General Siciid Dheere oo ah taliyaha ciidamada difaaca Puntland ayaa dadka kunool Magaalada garoowe ka codsaday in ay dulqaadaan maamdaama saameynta ugu badan uu ku yeelano sida uu hadalka u dhigay.
Ciidamada Puntland ayaa howlgalkaasi ku sheegay in ay ugu gol-leeyihiin adkeynta amaanka deegaanadaasi iyadoona wararka soo ifbaxaya ay sheegayaan in saraakiisha amaanka Puntland lagu wargeliyey digniino la xiriiro weeraro ay Al-Shabaab ka geystaan Garoowe gaar ahaan xarumaha maamulkaasi.

