Sida ay sheegeen saraakiisha qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ku dhowaad 70,000 oo qaxooti Somaliyeed oo ku jira xerada DADAAB in ay doonayaan in ay dib ugu soo laabtaan dalkooda sida ugu dhaqsiyaha badan.
Dadka qaxootiga ah ee kusugan DADAAB ayaa lasheegay in ay hada gaarayaan illaa iy 284,000 kuwaas oo Afar meelood meel kamid ah ay hadda diyaar u yihiin in ay dib ugu soo laabtaan Somaliya sida laga soo xigtay hay’ada qaxootiga u qaabilsan QM ee UNHCR.
70,000 qof ayaa hadda diyaarka u ah in ay dib ugu soo laabtaan dalka Somaliya waxaana ay ka jawaabeen su’aalo la weydiiyay oo ahaa in ay doonayaan in in ay dib ugu soo laabtaan dalkooda iyo in kale sida uu sheegay Duke Mwancha, oo ah afhayeen u hadlay Hay’adda UNHCR.
Afhayeenka UNHCR Duke Mwancha ayaa waxaa uu tilmaamay in boqolkiiba todobatan iyo shan qaxootiga Somaliyeed DADAAB aysan diyaar u ahayn in ay dib u soo noqdaan dalkooda islamarkaana uu u gudbiyay dowlada Kenya.

