Muran ka Taagan Halka ay Noqonayso Caasimada Dowlad Goboleedka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe+Dhageyso

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku waramaya in Ergada ka qeybgalaysa shirka maamul u sameynta Gobolada Shabeelaha dhexe iyo Hiiraan in si  weyn ay ugu doodayaan halka ay  Noqonayso  Caasimada maamul Goboleedka Shabeelaha dhexe iyo Hiiraan.

Qaar kamid ah Ergooyinka ka qeyb galaya shirka Magaalada Jowhar ayaa idaacadda simba ee Magaalada Muqdisho u sheegay  in wali aan la isku raacin halka ay noqonayso Caasimada Maamulka Cusub  ee  Gobolada Shabeelaha dhexe iyo Hiiraan islamarkaana ay socoto dood kulul oo dhaxeysa Ergooyinka labada Gobol.

Ergooyinka kala ka socda Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe  ayaa Seddexdii maalin aynu soo dhaafnay ka doodayay Dastuurka  uu yeelan doono Maamulka Cusub.

Qodobka 4aad ee  cutubka 1aad ee qabya qoraalka dastuurka loo qeybiyay ergada ayaa waxaa ku qoran Magaalo madaxda iyo xarunta DGH&SHDH waxaana xubinta ugu horeysa ay ka codsanaysaa ergada inay soo buuxiyaan halka ay noqoneyso magaalada madaxda iyadoo qaabka loo qorayna uu yahay sidan;

1 Magaala Madaxda Dowlad Goboleedka DGH&SHDH waa…………….

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ergooyinka ka kala socda Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe   in ay isku raaceen in Magaalada Jowhar ay noqoto Caasimada Maamulka Cusub.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here